Madaxweyne, Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Imaaraadka ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi,  Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan.

23″ February “2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga caasimadda dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa dalkaasi,  Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada waddan, horumarinta dhinacyada kala duwan ee Iskaashiga khaaska, Dadaalka Dhaqaalaha, Nabadda iyo deganaanshaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Al Nahyan ayaa waxa uu dhigiisa JFS ku qaabilay Carwada iyo Shirweynaha Difaaca Caalamiga ee INDEX and NAVDEX 2023 oo haatan ka socota Xarunta Abu Dhabi ee Carwooyinka ee (Abu Dhabi National Exhibition Centre (ADNIK).

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan ayaa waxa uu ballan qaaday inay Somalia ka taageeri doonaan wax kasta oo ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan Hankooda ku aadan Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqada.

Inta uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqanayo dalka Imaaraadka Carabta waxa kale oo uu ka qeyb geli doonaa Daawashada Carwada Caalamiga ee Milliteriga ee INDEX and NAVDEX 2023 oo maanta maalinteeda Saddexaad ka so犀利士 cota magaalladda Abu Dhabi.

Bandhiga Carwada Milliteri ee INDEX  and NAVDEX 2023, waxaa  ka qeyb galaya 1,112 Shirkadood oo ka kala socda 59 Dowladood, in ka badan 77 Wasiirada Difaaca,  79 Khubaro Milliteri, Taliyayaal iyo Wafuud Milliteri oo ka kala socda 82 Waddan iyo in ka badan 140 Shirkado oo ka dhisan Imaaraadka.

Baaxadda dhulka loo qoondeeyey Carwada Qalabka Milliteriga ee haatan ka socota Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi waxaa la gaarsiiyey ilaa 133,000 oo mitir oo isku wareeg ah

Leave a Reply