Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka Bariga Afrika ee EAC ayaa gaaray magaalada Caruusha ee dalka Tanzania

21″ July “2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka Bariga Afrika ee EAC ayaa gaaray magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Dheeho.com

Madaxweyne Xasan shiiq oo lagu wado in kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan uu la yeesho madaxda dalalka ku m犀利士 ideysan EAC, ayaa u soo bandhigi doona faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi ee wax,soosaarka dalkeenna.

Ma fududa sida ay Soomaaliya uga soo noqonayso saaxada caalamka ah Dheeho.com

Soomaaliya waxay ku jirtay mugdi siyaasadeed muddo 5 sano ah intii uu xukunka hayay hogaankii looga adkaaday doorashadii uu necbaa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Saaxiibada kaliya ee somalia ay lahayd ayaa ahaa Ethiopia, Eritera iyo Qatar iyadoo madaxweynaha cusub ee somalia xasan shiiq maxamuud oo furfuraya siyaasadii xirxirneeyd ee somalia uu bilaabay safaro uu galaabixinayo caalamka si uu Somalia Nool ugu soo celsho saaxada dunida Isaga oo ka duulaya Oraahdiisa dhaxalgalka ah ee Somali heshiis ah oo dunidana heshiis la ah

Leave a Reply