7″ “September” 2020″ Muqdisho”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Dheeho.com
Warbaahinra dowlada ayaa baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiye Yusuf ayaa badalaya gudoomiyhii hore finsh oo intii uu joogay aan wax horumar ah ku soo kordhin magalada