16″ September “2022” Washington
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washington kulan kula yeeshay Xoghayaha Difaaca dalkaas Mudane Lloyd James Austin.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay weerarada ay Ciidamada Xoogga ka wadaan dalka, kuwaasi ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Dhankiisa Mudane Lloyd James ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo arrimaha Amniga.