17″ December “2022” Kampala”
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa qaaday dhammaan xannibaadaha dhaqdhaqaaqa la xiriira Ebola, isagoo sheegay in dalka ku yaalla Bariga Afrika uu horumar ka sameeyay xakameynta cudurka dilaaga ah.
Museveni ayaa meesha ka saaray xayiraadii uu ku soo rogay degmada Mubende oo xudun u aheyd cudurka, kaasoo laga diiwaan geliyay 66 xaaladood iyo 29 dhimasho ah, iyo gobolka Kassanda oo laga helay 49 xaaladood iyo 21 dhimasho ah.
Hadda, ma jiro wax la kala qaado, ma jiro xiriir lala socdo, ma jiro bukaan ku jira xarumaha go’doominta, si wanaagsan ayaanu u wadnaa tirinta dhimista,” Museveni ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Saraakiisha ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay cudurkan bishii Sebtembar, waxayna sheegeen inuu yahay nooca cudurka Sudan, kaasoo u dhinta 40% -60% dadka uu ku dhaco, mana jiraan wax tallaal ah oo la xaqiijiyay.
Bishii Oktoobar, xukuumadda Kampala ayaa soo rogtay xannibaado dhanka safarka ah iyo bandow habeenkii ah waxayna sidoo kale xirtay goobaha cibaadada iyo madadaalada. Horaantii bishan, Uganda waxay sheegtay inay ka soo saartay bukaankii ugu dambeeyay ee Ebola.