Madaxweynaha Xasan oo caleemo saarkiisa ka hor bilaabay in uu u kuurglo xaalada nololeed ee qaybo qaybo ka mid ah dalk

2″ June” 2022 ” Dhuusamareeb

Madaxweynaha xasan shiiq ayaa Galmudug u tegay si uu uga miro-dhaliyo qorshihiisa ku saabsan Soomaali heshiis ah,oo dunida la heshiis ah taas oo aas-aas u ah hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah, mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo xorreynta dalka,

Dhulka Galmudug ay ka kooban tahay in badan ayaa xor ah, in yarna cadowga Alshabaab ayaa ku harsan, waana u taagan yihiin reer Galmudug in ay xoreeyaan dhulkaas oo maalin walba waxay cadowgaas kula jiraan dagaal, anaguna waxaan ku garab istaagaynaa ayuuyiri Madaxweyne Xasan

waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey in uu u kuur-gelayo xaaladaha nololeed ee ka jira Galmudug, si dowladda federaalka ah ay doorkeeda uga qaadato horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, masuuliyiin Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto baahiyaha nololeed iyo amni ee ay qabaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Leave a Reply