12- December-2023
Somalia ayaa shir amniga ku saabsan ku qabaneysa Xarunta Q/Midoobay maalin ka hor dhacadada weeyn ee deeyn cafinta oo ka dhaceysa Washington DC
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray Magaalada New York si uu u guddoomiyo shir kii ugu horeeyay ee noociisii ah oo Somalia ay ku soo bandhigto baahiyaha amni ee ay rabto in laga gacansiiyo
Hogaamiyaha dalka dhawaan laga qaaday cunaqabteynta hubka ayaa ku qabanaya New York kulan amni Madal ay goob joog yihiin dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway,
26-ka dal, ooy soo raacaan Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Afrika, ayaa wafdiga Madaxweyne Xasan uu kala hadlayaa ajandeyaal ay ka mid yihiin Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Amniga Soomaaliya, iyo Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka