
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha waxa uu dalkaasi kaga qeyb galayaa Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.
Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirat gaar gaar ah la yeelan doona madaxda dalalka Afrika ee shirka ka qeybgaleysa.