Madaxweyne Xasan Shiiq oo Gobolka Banaadir U Magacbay Guddoomiye Ku-xigeeno

20″ November “2022” SONNA

Madaxwey壯陽藥 naha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga.

Mudane Cabdacasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada

Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud.

Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

Leave a Reply