Madaxweyne Axmed Qoorqoor Oo War Kasoo Saaray La-Wareegida Degaanka Ceelhuur

14″ January “2023”

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa War kasoo saartay qabashada deegaanka Ceelhuur ee hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Maanta la wareegeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabsaday deegaanka Ceelhuur ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka qalabka sida, kuwa daraawiishta Galmudug iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya

Galmudug ayaa boggaadisay howlgalka Al-shabaab loogala wareegay deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay Shabaabka ku sugnaayeen in ka badan 15-sanno, waxaana Galmudug ay sheegtay inay degaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolka ka socda.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa la sheegay inuu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.