11″ January ” 2022
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa la-taliyaha sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u magacaabay Xamse Warfaa oo ah sarkaal sare oo Somali-Maraykanka ah oo ka tirsan dowlad-goboleedka gobolka Minesota.
Madaxweyne Biden ayaa u magacabay Xamse la taliyaha sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda qaybta xuquuqul insaanka iyo demoqraadiyenta.
Wareysi uu bixiyay ayuu Xamse Wa犀利士 rfaa ku sheegay in uu horay ulasoo shaqeeyay Joe Biden, howlo baaxad lehna uu usoo qabtay.
“Ma aha markii ugu horreysay ee uu xiriir na dhex maro maamulka madaxweyne Biden, xilligii uu ku jiray tartanka siyaasadda, laga billaabo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii, waxaan ahaa la taliyaha dhaqaalaha ee ololihii madaxweyne Biden, marka xiriir hore oo toos ah ayaan la lahaa.
Doorka cusub ee hadda loo xushay ayuu diiradda ku saari doonaa dhanka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, isagoo kaalin weyn ka qaadan doona howlaha dowladda ay hoggaamiyaan xisbiga dimuqraaddiga, gaar ahaan arrimaha dibadda.