6″ February “2022” Baladweyne
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka hadlay tabashada ay Maamulkiisa ka qabaan dadka kunool Magaalada Baladweyne oo ay ku diidayeen inuu tego Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlaayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Baladweyne oo uu Maanta gaaray ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo tabashada oo laga qabo dhismaha Maamulkiisa, isla markaana uu doonayo in lasoo afjaro khilaafyada ka dhashay doorashadiisii ka dhacday Magaalada Jowhar.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Guudlaawe inay muhiim tahay in tabashada jirta la xaliyo oo lagu dhammeeyo wax kasta wada-hadal ah, walaalnimo iyo mid shaqsiyadeed intba, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aysan jirin wax ka muhiimsan wada-hadallada.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka hadlay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee taalla Magaalada Baladweyne, wuxuuna ballan qaaday in doorashada kuraastaas loo qaban doono si Cadaalad oo daah-furnaan.
“Waxaan Alle hortiisa ka ballan qaadayaa in aan si Cadaalad u hoggaamiyo dadka, Baladweyne Doorashado ayaa ka dhaceysa, kumannaan qofna waa imaanayaan, waxaa dadka Magaalada laga rabaa soo dhaweyn, martigelin iyo amni sugid, waxaana ballan qaadayaa in doorasho daah-furan oo Cadaalad ay ka dhici doonto Baladweyne iyo Jowhar”ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Maanta sanad kadib tegay Baladweyne oo dhowr jeer uu ka baaqday safaro uu ku tegi lahaa, sababo la xiriira rabashado ka dhacayay Magaalada oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad siweyn uga soo horjeeda Cali Guudlaawe iyo dadweyne farabadan oo dhigayey banaanbxa rabshado watay…