DHUUSAMAREEB- RadioDalsan
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada dalka uga socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Madaxweyne Deni ayaa oo ka hadlaayay Arrimaha Doorashada dalka la filayo inay ka dhacdo ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliya ay muddo dheer sugayeen inay ka baxaan nidaamka doorasho ee lagu soo dhaqmayay sanadihii dambe.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in Nidaamka doorashooyinka kale ee aan aheyn qof iyo cod ay wanaagsan tahay, isla markaana Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.
“Dalku mudo badan wuxuu ku taamayay in uu ka baxo nidaamka doorasho ee lagu soo dhaqmayay oo loo gudbo nidaam doorasho qof iyo cod ah, waana aragti qof kasta oo Soomaali ah tiigsanayo” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu yiri “haddii Hiigsigaas la waayo talo ayaa la rabaa in lays kugu laabto, Nidaamka doorashooyinka kale ee aan aheyn qof iyo cod waa mid wanaagsan oo halkaas na soo gaarsiisay, maaha kii dunidu taqaanay laakiin waa mid aan uga gudbayno marxaladda aan taaganahay”