Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo qudbad u jeediyay Guddiga Joogtada ah golaha Sare ayaa ka hadlay arrimo kala gedisan oo siyaasada dalka taabanaya isagoo sheegay in dalka uu u baahan yahay isbedel dhab ah.
Saciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aragtiyada iskhilaafsan ee siyaasiyiintan aysan ahayn in god mugdi ah lala galo balse loo baahan yahay in fagaaraha la iskeeno.
“Aragtida is khilaafsan waa inaan Qol mugdi ah lala gelin oo aan la oran waa la iskhilaafsan yahay, waa in fagaarayaal lala yimaado, arrimaha masiiriga ah gogol intaan ka balaaran ha loo dhigo,”ayuu yiri Deni.
Isagoo ka hadlayay sida uu arko muuqaalka Muqdisho ayuu Madaxweynaha Puntland sheegay in wax isbedel ah ka dhicin afartii sano ee la soo dhaafay.
“Afartii sano ee la soo dhaafay wax isbedel ah xamar kama dhicin, Wadada intaan soo marayay waan indho-indheynayay.wax ku kordhay malahan,Dalku sidii ayuu u burbursan yahay, bulshadu sidii ayay u cabsanaysaa.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa ku taliyay in gogol weyn la fidiyo si looga baxo khilaafaadka ka jira dalka.