Madaxdii ku shirsaneyd Dhuusamareeb ayaa soo saaray war murtiyeed ku saabsan nooca ay noqoneyso doorashada, iyagoo isku raacay Doorasho Dad-ban oo ah Mid Deegaameysan.
Inkastoo war murtiyeedka uu ku taariikheysnaa 19-ka bishan, oo shalay ahaa, hadana waxaa muuqatay inuu ahaa mid u sii diyaarsanaa oo ahaa xulashooyinka ay diyaarinayene Guddiga Farsamada.
Hannaanka Doorashada Deegaameysan ayaa dhigaya in deegaanada lagu soo dooranayo Xildhibaannada la kordhiyo, lana gaarsiiyo illaa 4 deegaan, sidoo kale Ergada soo dooraneysa ayaa la gaarsiiyay 303 Ergo oo ilaa 3 Kursi hal mar dooraneysa oo ah kursigiiba 101 Ergo.
Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu galo hannaan Xisbi ah.
War murtiyeedka ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaash
Halkan hoose ka akhriso