Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubbaland Warbixin Ka Dhageystay Qaar Kamid Ah Wasaaradaha

7″ January ” 2021 “

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha  Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada DG Jubbaland, Waxaana shirka qayb ka ahaa Madaxwayne ku-xigeeenka 2-aad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland  Cabdulkhaadir Xaaji Maxamuud.

Ugu horayn madaxweynaha ayaa kawarbixiyay xaaladda Amniga iyo siyaasadda ee guud Dalka gaar ahaan Degaannada dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa sidokale warbixin loga dhageestay qaar kamid ah wasaaradaha dowlad goboleedka jubaland o ay ugu horayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DG Jubbaland oo Kawarbixisay Hawlaha Shaqo ee wasaaradda sidokalena soogudbisay Sadax xeer oo lagu hormarinaayo Ganacsiga Jubbaland kuwaa oo looga doodi doono shirarka danbe, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Qeyraadka Badda DG Jubbaland iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DG Jubbaland ayaa qayb ka ahaa wasaaradaha warbixinta laga dhagaystay

Leave a Reply