Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo todobaadkan waday korjoogtayta hawlaha shaqo ee wasaaradaha ayaa booqday wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Saciid Siyaad Shirwac wasiirka wasaaradda ayaa Madaxweyne Kuxigeenka kusoo dhaweeyey xarunta wasaaradda
Cali Ciid ayaa mid mid u galay xafiisyada, isagoo ka xog-waraystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda hawl-maalmeedkooda shaqo.

Ugu dambayntii, Madaxweyne ku xigeenka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda, iyo wasiir ku xigeenka, wuxuu bogaadiyay shaqada ay u hayaan Shacabka isagoona faray iney dhir ku beeraan waddooyinka Magaaladda.
