1″ Aug”2022″ Dhuusamareeb
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qo壯陽藥 or), ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.