Madaxwenaha Somalia 🇸🇴 Xasan Shiikh ayaa dhigiisa Türkiye ee RTERdogan kula hadlay qadka Telephone ka Isaga oo gaarsiiyay dowlad iyo shacab sida ay #Somalia uga xun tahay dhul gariirkii ku dhuftay koonfur dalkaas Dheeho.com
Waxaan garab istaageynaa Turkiga 🇹🇷 waxaana u ducayneynaa dhammaan dhibanayaasha ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan shiikh oo la hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan
Erdogan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo saddex bilood ah oo uu ku soo rogay 10-ka gobol ee ay sida ba’an u saameeyeen dhulgariirkii Isniintii.
Tirada dadka ku dhintay dhulgariirada ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga ay kor u dhaaftay 3,549, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay oo ay ku jiraan kuwa waqooyiga Suuriya marka lagu daro ka dhigeeysa 5,000 oo qof.
Fiidiyowyo ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay burburka dhulgariirka Turkiga iyo Suuriya-Daqiiqado murugo leh oo kamaraduhu qabteen ayaa sawir ka bixinaya baaxadda burburka iyo argagaxa ay sababeen dhulgariirka.