Madaxweyne Somalia oo golaha Wasiirada amray in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

5″ January “2023” Muqdisho”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya in ay joojiyaan shirarka lagu qabto dalka dibaddiisa intii suurtagal ah, laguna qabto gudaha dalka, isagoo ku boorriyay in sannadkan uu yahay sannadkii xorreeynta iyo waxqabadka. Dheeho.com

Sidoo kale Madaxweyne Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qayb-galay shirka khamiislaha golaha Wasiirada ayaa Farah goloha xukuumada in la hubiyo Mashaariicda hormarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyo hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Leave a Reply