19″May,” 2022″ Muqdisho
Madaxweynaha xafiiska kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Labada masu’uul ayaa madaxtooyada qaranka ku qaatay kulan kaas oo looga hadlayay qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha, xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la qabto munaasbadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.
Guddigii uu dhawaan u magacaabay Madaxyne Farmaajo ayaa wado abaabulka iyo qaban qaabada munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.
15-kii bishaan may ayey ahayd markii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga kuu guleystay doorashadii madaxtinimo eek a dhacay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasa壯陽藥 badda Xil-wareejinta Madaxweynaha.