Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay Jadwalkii Doorashada ay Maanta soo saareen Guddiga farsamada iyo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa lagu sheegay in Jadwalkii uu soo saaray Guddiga Farsamada uu yahay mid latashi la’aan ah, isla markaana aan ka turjumeyn xaqiiqda xiligaan ka jirta Hirshabeelle, laguna shaqeyn karin.
Waxaa Qoraalka lagu sheegay in Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad uu u baahan yahay in la dhameeystiro oo lagu daro xubno Haween ah, isla markaana Guddiga la siiyo Tababaro iyo Awood howle
Wasaaradda Arrimaha gudaha Hirshabeelle ayuu Madaxweyne Waare faray inay soo diyaariso Jadwalka tababarada, iyada oo kaashaneysa dowladda Federaalka, sioo kalena ay abaabusho Shirweyne dib u heshiisiineed oo loo qabanayo Bulshada Hirshabeelle.
dambeyn Qoraalka uu soo saaray Madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga Farsamada uusan markale wax Go’aano soo saari karin ilaa iyo inta laga dhameystirayo xubnaha Guddigaas.