Madaxweyne Xasan “Dowladdu waxa ay dalka ku hoggaaminaysaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay markale u istaagaan difaaca iyo dib u xoreynta dalkooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh Ummadaha kale ee dunida.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeyn Hambalyo u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan Dhallinyarada ayaa farayaa inay u istaagaan sidii dalkan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.