Madaxweyne Xasan Iyo Shariif Sheekh Axmed Oo Ka Arrinsaday Xiisada Ka Taagan Hirshabelle

4-July-2023-Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Shari if Sheekh Axmed oo shir jaraa’id galabta ay wada qabteen isaga iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuumadaxweyne Xadan kala hadlay xiisada Hirshabelle ee ka dhalatay xil ka qaadistii gudoomiyihii gobolkq Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo muranka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ee deegaanka Xalfooleey.

Leave a Reply