Madaxweynaha Somalia Xasan Shiiq Maxamuud oo dalka dib ugu laabtay ayaa sheegay in laga helay Covid-19

24″ June” 2022″ Muqdisho

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad ayaa sheegay in uu hadda wanaagsan yahay, isaga oo intaa ku daray in uu mari doono habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19, hadalka madaxweynaha ee la xiriira xanuunka Corona virus ayaa soo baxay kadib booqashadiisii shaqo ee uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Mada壯陽藥 xweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

Leave a Reply