Madaxweyne Xasan oo ka dagay dalka Uganda + Qorshihiisa

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha ay booqasho uga bilaabatay dalkaasi, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Yoweri Museveni.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Uganda, isaga oo kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa safarkiisa Kampala kadib u gudbi doono waddamada kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si uu ugala hadlo kala guurka howlgalka ATMIS.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ku aadan sidii ay ugu diyaar garoobi lahayd beddalka ATMIS, waxaana la diyaarinayaa ciidamo kale oo beddalaya, iyada oo dowlado cusub lagu soo kordhin doono, sida Masar oo haatan diyaaray ciidamo cusub.