Madaxweyne Xasan Shiikh Oo u safray Eritrea Ayaa Ka Hadlay Dib U Doorashada Deni

8- January-2024

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u duulay dalka Eriteriya, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki.

Safarka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay taagantahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is af-garadka ahaa ee Adis Ababa ku dhexmaray kowdii bishaan raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.