12- August-2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Lain ayaa la wadaagay qorshaha xasilinta goobaha laga xoreeyay argagixisada iyo sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa dadka sanado badan ku noolaa oo ay ku jireen weeraro argagixiso iyo xaalado bini’aadantinimo oo adag.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.
Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.