Madaxweyne Xasan shiiq oo khudbad ka jeediyay Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda

10″ Aug”2022″ Kampala

Madaxweyne Xasan Shiikh oo baajiyay safarkii uu galinkii danbe ee maanta dib ugu laaban lahaa Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda  Dheeho.com

Waan qadarineynaa cilaaqaadka, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii loosii xoojin lahaa oo kor loogu qaadi lahaa shucuurta Afrikaanimada  iyo walaaltinimada bariga Afrika ayuu yiri Madaxweyne soomaaliya  Xasan shiiq maxamuud oo dalka  soomaaalida ku tilmaamay kuwo leh hal-abuur ganacsi

Shirkan oo barito lagu wado in lagu soo gabgabeeyo magaalada Kampala ayaa waxaa xubnaha labada dal ee ka qaybgalaya ay ilaa talaadadii isla eegayeen dhinacyada muhiimada la siin karo marka ay timaado wax wada qabsi iyo wax is dhaafsi dhax mara labada bulsho

Ugand Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa madaxda iyo shacabka dowladda Uganda marti qaadka iyo soo dhaweynta diiraan ee loo sameeyay aniga iyo wafdigeyga iyo qaban qaabada shirka maalgashiga iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda.

Soomaaliya iyo Uganda waxa ay leeyihiin xirir labo geesood ah oo koraya oo aad u wanaagsan, kaasi oo ku saleysan tariikh wadaag qiimo iyo danaha wadaagga ah ee labada dowladood.

Waan qadarineynaa cilaaqaadka, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii loosii xoojin lahaa oo kor loogu qaadi lahaa shucuurta Afrikaanimada  iyo walaaltinimada bariga Afrika.

Uganda waxa ay noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka jawaabo baaqii Soomaaliya ee ahaa in la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah sanadkii 2007-da ilaa maanta ciidanka Uganda waxa ay sii wadaan taageerada ay nagu siinayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta nabadda, abaal ayaana uga heynaa taageeradaas.

Shacabka Soomaaliyeed waa dad hal-abuur ganacsi leh, qaar badane waxa ay maalgeliyeen qeybaha dhaqaalaha Uganda oo ay ka mid yihiin wax soo saarka hantida ma guurtada ah, ganacsiga iyo qeybaha kale ee kobcaya.

Waxaan rajeyneynaa inaan soo dhaweyno dadka Ugaandheyska ah ee doonaya inay maalgashadaan qeybaheena ganacsiga ee lagu tartamayo oo ay ku jiraan Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga iyo qeybaha kale.

Hishiiska ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2016-kii iyo hishiiska adeegga hawada ee labada dalka iyo is afgaradka dhex-maray Jaamacadaha, Rugaha ganacsiga, Wasaaraddaha, Cilmibaarista, Waxbarashada, Diblomaasiyadda, Difaaca iyo iskaashiga ganacsiga, waa marqaati cad oo muujineysa xiriirka sii koraya ee ka dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya waxa ay si cad u fahamsantahay faa’iidooyinka wadaagga ah ee ka dhalanaya wadashaqeynta, waxaana diyaar u nahay inaan la nimaadno hogaan adag iyo balan qaadka looga baahanyahay inaan ka qeyb-qaadano kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga gobollada.

Kulankeygii Madaxweyne Museveni iyo Madaxda kale ee EAC waxaana hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka bariga Afrika, isla markaana aan wadaleenahay hadaf iyo mustaqbal mideysan.

Kulanka shirka maalgashiga ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda waa mid muhiim ah oo ku soo beegmay xiligiisa, wuxuuna imaanaya dhowr isbuuc kadib markii aan madaxda EAC ee uu ku jiro Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni aan ka codsaday inay u ololeeyaan inay Soomaaliya ay noqotay xubintii sideedaad ee ku biirta Ururka.

Afrika waxaa Alle ku maneystay kheyraad, waxaana ay leedahay dhaqaale  weyn, si kastaba suuqyada Afrika oo kala qeybsan iyo xeyn daabka canshuuraha ayaa ganacsigeena midka gobolka iyo Qaaradaba uu hooseeyaa 20%,  marka lala bar bardhigo Qaaraadda Asia oo ah 60% .

Waxaan Kalsooni ku qabnaa in shirkaan uu ka qeyb qaadan doono dar dargelinta ganacsiga gobolka iyo maalgelinta ka dhaxeysa labada dal uuna sare u qaadayo fursadaha koriinka dhaqaalaha.

Soomaaliya waxa ay leedahay fursado dhaqaale oo bislaanaya oo aan xadidneen, kuwaasi oo ay siineyso daneeyaasha doonaya inay la ganacsadaan ama maalgashtaan dalkeena.

Iyadoo leh xeebta ugu dheer ee Afrika hadane Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah oo la taaban, Dhulbeereed baaxad leh, Cimilo wanaagsan, dhaqan ganacsi, ganacsi gaar loo leeyahay oo kobcaya iyo xoogag dhallinyaro ah.

Waxaan horu-maro la taaban karo ka sameynay dowlad dhisidda, kabashada dhaqaalaha iyo ilaalinta xasiloonimada dhaqaalaha guud, iyada oo ay jiraan caqabado aad u adag.

Waxaan si kalsooni leh idinku sheegayaa in Soomaaliya ay hadda utaaganatahay ganacsi ayna rajeyneyso inay sare u qaaddo ganacsiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labadeena dal iyo in la garto fursadaha maalgashi, ganacsi iyo dalxiis.

Waxaan soo dhaweyneynaa aas aaska madasha maalgashiga joogtada ah iyo ganacsiga wadajirka ah, si loo dedejiyo meel-marinta soo jeedintooda iyo go’aamadeeda iyo in la fahmo fursadaha labada dal ka jira.

Leave a Reply