Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa  ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland

Dhinaca Kale Golaha wakiilada Puntland oo sameystay muddo kororsi hal sano ah

– Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Ugu horeyn, waxaa Goluhu isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystirayo ajandayaasha Golaha horyaal.

Intaas kadib, waxaa Golaha loo qeybiyey go’aanka Guddiga SSC-Khaatuma ee Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland, kaasi oo ay ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aankaas oo kala ahaa:

  1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
  3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
  4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
  5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
  6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

Dhinaca kale waxaa haatan Garoowe ka socda shir xasaasi ah oo u dhexeeyo madaxweyne u xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo xildhibaanada laga soo doorto maamulka SSC, kaas oo looga hadlayo arrimaha soo kordhay.

Leave a Reply