Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha

4″Sept”2024″ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.