Maxaan ka ognahay waxa ka dhacay Raaskambooni, waana sidee xaaladda haatan?

Xaaladda deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Buurgaabo iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa haatan deggan kaddib markii uu saaka dagaal ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka Jubaland. Warar is khilaafsana ayaana ka soo baxaya cidda dagaalka bilowday iyo khasaarraha uu dhaliyey.

Dagaalka ayaa bilowday aroornimadii hore ee saakay, labada ciidan ayaa kala joogay labada magaalo ee la kala yiraahdo Buurgaabo iyo Raaskambooni oo labaduba ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo qiyaastii isku jira dhowr iyo lixdan kiilo mitir ha yeeshee dhinac walba dhaqdhaqaaq ayuu magaaladiisa ka sameynayey.

Labada ciidan ayaa saakay isku farasaaray deegaan la yiraahdo Marnaaneey taas oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Raaskambooni, taasoo ah halka ay joogaan ciidamadda dowladda federaalka, hase yeeshee ma cadda ilaa iyo hadda cidda dagaalka billowday warar kala duwan ayaana kasoo baxaya iyadoo dhinacyadu uu midba midka kale uu ku eedeeynayo in ay iyagu dagaalka bilaabeen, laakiinse waxaa mar kasta sii siqayey oo kusii dhowaanayey Raaskambooni – oo ay ciidamada dowladdu fadhiyaan – ciidamada Jubaland ee jooga magaalada Buurgaabo.

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalka saaka ka dhacay gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay weerareen fariisin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubaland ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

“Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.”

Waxaa kale oo lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga “ay si gaar ah ula socoto qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay al-Shabaab taas oo keentay in al-shabaab u oggolaado in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka al-Shabaaab”.

Maxay Jubaland ka tiri?

Dhanka Jubaland waxa ay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Dowladda Federaalka waxayna ku eedeeyeen dowladda “in xitaa ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Jubaland Aaden Axmed Xaaji oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladdu inay saakay weerar kusoo qaadeen kuwa Jubaland, waxaana uu sheegay in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay isla markaasna khasaare uu jiro.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay “in ciidamo ka tirsan dowladda ay gacanta ku hayaan kuwaas oo sida uu sheegay isku soo dhiibay.”

“Waxaa nasiib darro weyn ah ciidamadii walaalaha ahaa ee difaaca kuwada jiray in ay maantay xabbad isku ridayaan,” ayuu yiri Aadan oo intaas ku daray in mas’uuliyaddaas ay Dowladda Federaalku leedahay .

Waa sidee xaaladda haatan?

BBC-da si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashada labada dhinac, mana jiraan warar madaxbannaan oo ilaa iyo hadda si dhab ah uga hadlaya sida ay halkaasi wax uga dhaceen iyo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maaddaama is-gaarsiinta deegaanku ay aad u liidato amaba aanay jirinba.

Dhinacyada dagaalku dhex marayo ayaa isticmaalya taleefoonnada loo yaqaan Turaayaha ee ku xiran dayax-gacmeedka, iyaga oo kaliya ayaana xogaha is weeydaarsanaya waxaana adag in dadka deegaanka lala xiriiro oo taleefoonnadooda la helo.

Dagaalka saakay dhacay ayaa soo gaaray ilaa duhurkii, waxaana la sheegay in gelinkii dambe ay xaaladdu deggan tahay.

Dhinacyada ayaa ka kala gurmanaya magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo iyadoo wararku sheegayaan in diyaarad ka baxday Muqdisho ay tagtay Raaskambooni si ay halkaasi dhaawacyo uga soo qaaddo, sidoo kale waxaa la sheegay in doomo looga soo qaadayey dhaawacyada ciidamada Jubaland magaalada Buurgaabo oo la keenayey Kismaayo.

Falcelinta ka dhalatay

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa looga hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.

War-saxaafadeedka ay siyaasiyiintani sida wadajirka ah usoo saareen ayaa waxay “nasiib darro ku tilmaameem in maanta ay dhexdooda dagaallamaan ciidamada Soomaaliyeed.”

“Ciidanka Dolwadda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah kuwaas oo ay ahayd in ay awooddooda ku wajahaan al-Shabaab iyo cadowga kale ee qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ay soo saareen siyaasiyiintaas.

Siyaasyiinta ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka khilaafkana miiska wada-hadalka lagu xalliyo lagana heshiiyo khilaafka doorashada.

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa salka ku haya kala aragti duwanaanshaha nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso. Iyadoo Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada qaar ay isla oggolaadeen guud ahaan doorashooyinka heer maamul-goboleed iyo tan Dolwadda Federaalka ah in ay u dhacaan qaab qof iyo cod ah, maamulka Jubaland ayaa qaba in doorashadii dadbaneyd lagu sii socdo.

Waxaa kale oo xiisaddu ay cirka isku shareertay markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland, taas oo ay Dowladda Federaalku diidday in ay aqoonsato natiijada doorashadaas.

Maxaan ka naqaan deegaanka Raaskaambooni ?

Jubaland

Deegaanka Raaskaambooni oo hoostaga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxa uu ku yaallaa cirifka koonfureed ee Soomaaliya, wuxuuna u dhow yahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka kenya.

Raaskambooni waxay 274 kiiloomitir kaga beegan tahay dhanka koonfureed magaalada Kismaayo, oo xarun ku meelgaar u ah maamulka Jubaland.

Waa meel kayn ah oo leh dhufeysyo dabiici ah – goobo la isku diyaarin karo, wuxuuna deegaanku soo maray gacmo kala duwan oo intooda badan u adeegsan jiray in ay isku aruursadaan isla markaana tababarro ku qaataan.

Maxkamadihii Soomaaliya ee xooggoodu abuurmay markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii waxey u ahayd mid ka mid ah meelaha ay tababarrada ku qaataan, ururkii magaca deegaanka watay ee Raaskmabooni oo uu hoggaamin jiray Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay sidoo kale ka mid ahayd meelihii saldhigga u ahaa.

Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaannay Xasan Turki ayaa sidoo kale Raskambooni ay u ahayd xarun, kohor geeridiisii 2015-kii.

Al-Shabaab ayaa iyaguna mar gacanta ku hayay, dhowaan oo ciidamo diyaarad lagu waday la geeyana, waxaa hadda gacanta ku haya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya.