
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa hadda kulan xasaasi ah ku leh xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.
Kulankan ayaa horudhac u ah wada hadallo kale oo dhexmari doona Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Turkiga.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiiro, Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, Qaranimada, iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.