16″ Aug”2022″
Madaxweynaha Soomaaliya Xas壯陽藥 an Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefonka wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua “ugu hambalyeeyey guusha ay ka gaareen” doorashooyinka dalkaas.
“Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soma;ia
“Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.”
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Guddiga doorashaa Kenya ayaa shalay ku dhowaaqay in Ruto uu ku guuleystay doorashada, inkasta oo xubno ka mid ah guddiga ay taas ka horyimaadeen.
Dhinaciisna, Raila Odinga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay inuusan aqbaleyn natiijada ay guddiga shaaciyeen, isaga oo intaas ku daray inuu sharciga la tiigsan doono.