March 15, “2023
Baraha bulshada, carabta afrikada waqooyi waxaa ku sii badanaya hadallada nacaybka iyo wararka khaldan ee ka dhanka ah african-ka Madoow
Marka,aad ku dhex jirtid dhibaato siyaasadeed inaad meel kale u jeedin kartid aragtida dadka waa sawir la tijaabiyay oo Isku-daygiisa ay ku dhaqaaqeen hogaamiyaal kali-talis ah oo ku guuldareeystay kor ugu qaadista sumcad sii yaraanaysay.
Baraha bulshada, carabta afrikada waqooyi waxaa ku sii badanaya hadallada nacaybka iyo wararka khaldan ee ka dhanka ah african-ka Madoow ,tan iyo markii Hoggaamiyaha Tunisia Kais Saciid uu muhaajiriinta Afrikada saxaraha ka hooseeya socdaalkooda ku tilmaamay “shirqool” lagu beddelayo aqoonsiga waddankiisa,
African-ka saxaraha ka hooseeya kuwooda ku qaraqma bada ee doomuhu la burburaan marka laga yimaado kuwa sugaya Inay isku tuuraan bada Mediterranean-ka waxa ay la sii noolaadaan khataro aan soo dhaweeyneeyn ooy ku jirto Takoor & weeraro ay kala kulmaan dowladaha waqooyiga Africa
Muuqaal ay shabakada Euronews ka heshay Twitter-ka ayaa muujinaya sida dadka isticmaala baraha bulshada ay u dhaleeceeyaan haweenka Morocco ee guursaday Afrikaan madoow ee ka soo jeeda dalalka ka hooseeya Saxaraha.
Hal sheegasho oo ay si joogto ah u riixaan xarumaha wararka iyo xisaabaadka baraha bulshada ayaa ah in ay Tunisia ku sugan yihiin in ka badan 700,000 oo muhaajiriin African-ka Saxaraha ka hooseeya .
Laakiin sida laga soo xigtay machadka tirakoobka Tunisia ee socdaalka tirada ayaa aad uga yar. Ku dhawaad 58,000 oo muhaajiriin ah ilaa 21,000 waxay ka yimaadeen Afrikada Saxaraha ka hooseeya.
Tiradan la buunbuuniyay ayaa ku fiday boggaga iyo kooxaha baraha bulshada ee Morocco iyo Masar- Iyadoo Qoraalo lagu arkay Masar ay ku dhawaaqayaa cabsida laga qabo in soo galootigu ay wax ka beddelaan astaanta guud ee dalka.
Mawjaddahan takoorka ah ayaa ku riixday muwaadiniinta Madowga ah ee Tunisia oo dib loogu soo celiyay dhibaataynta rabshadaha Naceybka
Dabayaaqadii bishii February Hoggaamiyaha Tunisia ayaa sheegay in tahriibku uu ahaa “shirqool” lagu beddelayo aqoonsiga waddanka, oo sidoo kale loo yaqaanno aragtida shirqoolka ee “badalka weyn” ee cadaanka ah-Inkastoo uu diiday in faallooyinkiisu ay yihiin cunsuriyad