Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay caqabadaha amni iyo bini’aadantinimo ee ka jira dalkiisa !!

16″ December “2022”

Soomaaliya ma ka gudbi kartaa taariikhdeeda xasaradaha iyadoo tan markii uu ku soo laabaty xaafiiska Madaxweyne Xasan shiiq bartimihii bishii May uu dalku arkay halgan ku aadan iska dulqaadida kooxda alshabaab ?

Muddo tobanaan sano ah Somalia waxa ay la kulmaaysay dhibaatooyin dhinacyo badan leh – laga soo bilaabo iskahorimaadyada al-Shabaab iyo is bedelka cimilada iyo dhibaatooyinka cuntada iyo biyaha – iyadoo intii aanu markii labaad xaafiiska ku soo laaban Madaxweyne Xasan uu dalku cagta saaray wado u muuqatay burbur aan dhamaad lahayn.

Xaaaladaha Amnidaro iyo mida bani,aadanimo waxay si tartiib tartiib ah u sii xumaanayeen markii dalka ku yaal bariga Africa uu dhaxda u galay laba sano oo muran doorasho ah intii aanu Raysiwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ku guuleeysan in Somalia ka gudbiyo Mashaakilkii doorashada lagu muransanaa oo mar wadanka qarka u saartay in uu dib ugu laabto masiibadii colaadaha sokeeye

Madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ahaa madaxweynihii Soomaaliya 2012 ilaa 2017 ayaa sheegay inay ka go’an tahay dib u dhiska qaran uu ugu yimid Isaga oo ku jira xalado ka sii qalafsan duruufihii uu uga tagay.

Laakiin maxay tani uga dhigan tahay waddan ay weli culays ku yihiin colaadda iyo arrimaha bini’aadantinimada? Iyo khatarta macluusha oo weli soo fool leh – madaxweynuhu ma keeni karaa nooc xasilloon oo bulshadu kaga siraad korto dhibaatooyinka ay dhaxleen

Arimahaas iyo kuwa kale ayuu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud kaga jawaabay Barnaamijka gaarka ah ee UpFront, Isaga oo la fadhiistau Marc Lamont Hill si ay uga wadahadlaan caqabadaha bini’aadantinimo iyo kuwa amni ee ka jira dalkiisa犀利士 .

Leave a Reply