Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Adisababa uga ka qayb-galay furitaanka shirka Midowga Afrika

17-Feb-2024

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal-jeedintiisii shirka Midowga Afrika kadib soo gaabiyay safarkiisii Adisababa ayaa ku laabtay Muqdisho

Itoobiya ayaa ku fashilantay martigelinteeda shirka Midowga Afrika, markii ay isku dayday inay ka hor istaagto Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka hadlo shirka AU,

Maamulka Abiy ayaa dareensanaa In Madaxweyne Xasan uu madaxda Afrika la wadaagi doono xad-gudubka ay itoobiya ku sameeysay Qaranimada Soomaaliya markii ay heshiis la gashay gooni-goosadka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Somaliland.

Talaabadan ayaa waxa laga yaabaa in ay lagama maarmaan ka dhigto in Midowga Afrika uu dib u qiimeeyo halka ay xaruntiisu noqoneyso

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Dhinaca kale war ka soo baxay DFS ayaa lagu yiri” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dow犀利士 ladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 ka dhacaya magaalada Addis Ababa