Madaxweyne , Xasan Sheekh , oo Aqalka Cad kula kulmay dhiggiisa Mareykanka, Joe Biden, ayaa la wadaagay xaaladda dalka .


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

15″ December “2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed inay deegaannadood difaacdan.

Madaxweyne Biden ayaa waxa uu adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar,gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda Yoweri Kaguta Museveni iyo Williams Ruto.

Madaxweyne Xasan iyo Labada Madaxweyne ee Uganda iyo Kenya ayaa ka wada hadlay in ay iska kaashadaan sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah, iyagoo xusay in xasiloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay nabadda Soomaaliya.

Leave a Reply