Madaxweyne Xasan Sheekh oo bilaabay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

2-July-2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada Xoogga Dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray.

Leave a Reply