Diyaarad Jubbaland hub u siday oo maanta ka baxday degmada Doolow ayey joojisay dowladda Soomaaliya, sida ay ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo u xaqiijiyeen warbaahinta
Hubkaas waxaa la sheegay in dowladda Itoobiya ay dalka soo gelisay mudadii uu jiray khilaafkii kala dhexeeyey dowladda federaalka, ka hor heshiiskii Ankara.
Hadda waxaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ka codsaday Itoobiya, waxaana maanta diyaarad looga qaaday magaalada Doolow, si loo geeyo Kismaayo, balse hay’adda duulista Soomaaliya ayaa diyaaradaas ku amartay inay soo marto Muqdisho.
Qorshahaas ayaa fashilmay, waxaana diyaaradii dib loogu celiyey Doolow, maadaama ay dowladda federaalka u gacan geleyso, hadii ay Muqdisho soo marsiido hubkaas.
Axmed Madoobe oo cunaqabateyn adag oo dhaqaale iyo safar isugu jirta ay saartay dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in hubkaan uu ka dalbaday Itoobiya, si ciidamada u dagaalamaya uu ugu qalabeeyo.
Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ku xoogan ciidamada Axmed Madoobe, waxaana jooga wasiirka Amniga Jubbaland, sidoo kale waxaa jooga ciidamada Itoobiya oo taageersan nidaamka Axmed Madoobe ee Jubbaland lagu hoggaamiyo.
Ciidamada Itoobiya ayaa taageerada Axmed Madoobe ku xumeynaya dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama xiisad adag ay ka dhexeyso Itoobiya iyo Soomaaliya, taageerada Itoobiya ee Jubbaland ayaa lagu qeexaa ‘qeyb ka mid ah qorshaha dowladaas ee cuuryaaminta Soomaaliya.’