Xaafad ka mid ah Muqdisho oo maanta Dab Qabsaday

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay xaafad ku taalla Carwada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo wayn

Dabka oo ka billowday kaalin shidaal ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaaasi , sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa dad shacab ah, iyada dukaamo iyo mootooyin nooca Bajaajta ay gubteen.

Axmed Khaliif oo kamid ah dadka ku hanti beelay dabkan ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha, wuxuuna sheegay in 9 qol iyo Bajaaj ay ka gubatay.

“Meeshaan 9 qol ayaa iiga dhisneyd hal shayna iima badbaadin, sidoo kale mooto Bajaaj ayaa iga gubatay, marka musiibaadaas ayaa igu dhacday” ayuu yiri Axmed Khaliif.

Dabka ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay, waxaana soo gaaray gaadiidka dab damiska oo dadaal dheeraad ah sameeyay, si loo xakameeyo dabkaasi.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.