Madaxweyne, Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka deegaanka iyo is bedelka cimilada ee Djibouti ayaa..

23″ October “2022” Djibouti

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka deegaanka iyo is bedelka cimilada ee Djibouti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ka hortagga xaalufka iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweyne Xasan oo soo hadal qaaday saamaynta isbeddelka Cimilada ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada sida ay baahisay warbaahinta dowlada

“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada ayuu xusay Madaxwyne Xasan

Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.” Ayuu yiri Madaxweynaha

Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.

Z

Leave a Reply