Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Madasha Dibulomaasiyada Antalya ee Dalka Turkey ayaa ..

1-March-2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MADASHA DIBLUMAASIYADDA ANTALYA EE DALKA TURKIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir caalami ah uga qaybgelaya Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga ,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ,wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu  kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Turkiga ayaa ku soo aaday iyadoo labada dal ay dhawaan wada galeen heshiis difaac

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga qeybgalay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya,,kaas oo looga hadlay isbaddalka cimilada adduunka.