7″ November ” 2022″ SONNA”
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee is bedelka cimilada (COP27) oo ka furmay magaalada Sharm el Shakh iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada uu sida xun u saameeyay fowdada cimilada. Dheeho.com
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno aqoon durgsan u leh cimilada ayaa Madaxda Caalamka, ee ka qaybgaleeysa shirka COP 27 la wadaagay saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso wax ka qabashada abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah dhibaatooyinka isbeddelka cimilada ee dhaxashay Somalia
Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Ca壯陽藥 rabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.