Dàawo : Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Daah-furka Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan Qaran oo sal adag leh, caqabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhalino aragtida  ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ayaa diiradda saartay sameynta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku qotomo la falgelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u leenahay in aan ku saleyno baahiyaha ay dadkeenna u qabaan hirgelinta ujeedooyin waxtar leh ee guuleysta.

“Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan maanta joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideena, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaabooyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adduunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, taas waxay abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsatadeenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashaariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso, xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soosaarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shuruucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daahfurnaanta si loo helo deegaan nabdoon oo u sahlaya ganacsatada in ay ku soo bandhigaan maalgashigooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya halkii ay joogtay muddo dheer aysan marnaba suuragal ahayn in ay sii joogta, si cabsida looga gudbaana ay tahay in si daahfuran loo wajaho caqabadaha waaweyn, laga dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, biseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay Mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo horumariyo dowladnimadeenna iyo isbedelka togan, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ku adkeeyey in Xukuumadda lagu garabsiiyo meelmarinta qorsheyasha Qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortaan hoggaanka dalka iyo in argagixisada laga sifeeyo dalka.