7- December-2023-

Maalmo ka dib qaadista cunaqabteyntii hubka ee Somalia saarneyd Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muqdisho ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo Turki ah kuwaas oo Madaxweynaha kala hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Somalia ay la leedahay Turkiga Warbixin Dheeho News Every Day
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Turkiga uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.
Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli, iyadoo la犀利士 gaga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal, muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay leyliyaan khubarada milatariga Turkiga ah.
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa ka qeyb gala dagaalka ay ciidamada Soomaaliya kula jiraan kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ciidamada Soomaaliya ay ku qaadayaan kooxda Al-Shabaab