Madaxweyne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga QM ee James Swan

25″ Oct犀利士 ober “2022

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah ugu sameeyay Madaxtooyada  ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay somalia

James Swan ayaa somalia loo soo magacaabay bilo kadib markii Ergaygii hore ee Qaramada midoobay Nicholas Haysom ay dalka ceyrisay maamulkii farmaajo oo uu ku khilaafay wixii ka dhacay magaalada baydhabo isaga oo cambaareeyay wax uu ku tilmaamay in uu ahaa xadgudub bani,aadantinimo oo la geeystay intii lagu jiray sidii lafta gareen madaxweyne looga dhigi lahaa maamulka k/galbeed

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka

Leave a Reply