Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay la wareegista degmada Aadan Yabaal” ayaa is dul taagay qodobo dhowr ah

6″ December “2022 ” Muqdisho”

Madaxweynaha Somalia ayaa walaac ka muujiyay in alshabaab ay dadka shacabka ah ka dhiganayaan gabaad ka dib markii Kumanaan qof ay kooxdu ka qafaalatay magaalada Aadan yabaal oo ciidamada dowladu ay la wareegeen Dheeho.com

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo in muddo ah ahayd deegaan ay ku amartaagleeyaan argagixisada Shabaab

Madaxweynaha oo ciidamada iyo shacabka iskaashanaya ku dhiirigaliyay in ay horey u sii socdaan ayaa sheegay in kooxda shabaab ay horay u qafaasheen dadkii ku dhaqan magaalada, isla markaana ay burburiyeen ceelashii biyihii.

“Al-Shabaab meelaha ay qabsadeen waxay gubaan ama ka qaadaan agabkii ceelasha ay ku shaqeynayeen, ciidamada dowladduna waxay qaateen qalabkii, si degdeg ahna ceelasha ayay u dayactireen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamada ay qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka, una dhow degmada Aadan Yabaal.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa ka hadlay qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe, taasi oo dhawaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa dadka degaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab,  oo muddo dheer xarun ay u ahayd Aadan yabaal.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu bogaadiyay la wareegista Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmadaasi, waxaana bayaanka sidoo kale lagu sheegay in Howgalka Midowga Afrika ay kaalintooda ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab

壯陽藥 pe-video is-provider-youtube wp-block-embed-youtube wp-embed-aspect-16-9 wp-has-aspect-ratio”>

Leave a Reply