12- October 2023
Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo uu shir_gudoomiyay Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caala犀利士 mi ah.
Meelmarinta hindinse sharciyeedyo ku saabsan arimaha dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, kasokoow Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu golaha wasiirada la wadaagay arimo xasaasi ah
Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa golaha wasiirada uga warbixiyay arimo ay ka mid yihiin horumarka laga sameeyay dagaalka, ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab, isagoo xusay in wajigii kowaad ee hawlgallada Shabaab laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku dadaal muuqda ka sameeyeen furimaha dagaalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.
Dhanka kale, Madaxwrynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta, kaasi oo loo dhigayo Banngiga keeydka, waxaana kulankan soo abaabuulay dhalilnyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka ciribtirka Khawaarijta.