8″ Aug”2022″ Kampala
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray dalka Uganda oo inta uu joogo dhigiisa Yower Museveni lagu wado In ay iska xog wreeystaan arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa Dheeho.com
Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb geli doona shirka madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo maanta ka furmay magaalada Kampala iyadoo ganacsato iyo xeeldheerayaal dhaqaale oo ka kala socda labada dal ay isla eegaayaan dhinacyada noqon kara bartilmaameedka iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soosaarka labada dowladood iyo wax is dhaafsigooda
Madaxweynaha Somalia Xasan shiiq maxamuud ayaa la hadalhayaa in uu kulan la yeelan doono jaaliyada soomaalda dalka Uganda islamarkaana uu tagi doono safaarada Somalia oo dib u habeeyn lagu sameeyay
Uganda oo Somalia ay ka joogaan ciidamo qayb ka ah howlgalka midowga Africa ee ATMIS ayaa hoos u dhac dareemeeysay in uu ku yimid xiriirka Somalia kala dhaxeeyay 5 tii sano ee u danbeeysay iyadoo hada hormuud u ah wadamada riixya sidii Somalia ay xubin firfircoon uga noqon lahayd dowladaha ku bohoobay dalada bariga Africa